Wararka

Kulanka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho

Kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir xilli lagu wado inuu maalinta bari ah sidoo kale ka dhaco xarumaha Maamul Goboleedyada Dalka. Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada oo lagu wado in dhawaan la hor geeyo Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay u ansaxiyaan ayeey wasaaradu ugu tala gashay kulankaan maantay iyo kulamada kale ee Maamul Goboleedyada inay ka tala baxsadaan dhalinyarada si ay u noqoto siyaasad Qaran oo ay u dhan yihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo daah furay kulanka ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin , Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir, Agaasimaha Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Madaxweynaha , Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Marti sharaf kale iyo qaar ka mid ah Dhallinyarada hormuudka u ah Caasimada kuwaas oo falanqaynayay Qodobada Siyaasada Qaran ee Dhalinyarada . Ujeedka ugu weyn ayaa ah in la helo siyaasad Qaran oo ay leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa furay tababar la xiriira maamulka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa furay tababar la xiriira maamulka oo ay ka faa’iidaysanayaan macalimiinta, iyo qaybaha maamulka ee kooxaha ka ciyaara dalka ee ka kala tirsan xiriirrada kala duwan. Tababarkan waxaa bixinayay Macalin Maxamed Axmed Tarabi oo ah khabiir Soomaaliyeed oo in muddo ah ku soo dhex jiray tababarka macalimiinta iyo maamulka kooxaha. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo furitaankii tababarkan la hadlay dhinacyada ka faa’iidaysanaya ayaa tilmaamay inuu yahay kii horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu qabato, isagoo intaas raaciyay inuusan noqon doonin kii ugu danbeeyay oo ay wadi doonaan tababarrada noocan oo kale ah s i kor loogu qaado tayada maamulayaasha iyo macalimiinta kooxaha.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria si ay uga soo qayb-galaan tartanka koobka Afrika ee qaramada U17. Xulkeenna qaranka ee U17 ayaa dhammaadkii sanadkii hore kaalinta koowaad ku soo baxay isreeb-reebkii bariga iyo bartamaha Afrika taasoo u saamaxday inay si xarago leh sanadkan uga qaybgalaan tartanka wadamada Afrika. Wasiirka waxaa kala qaybgalay munaasabadda sagootinta masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo fulinta dowladda, agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ugu horeeyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed( Shiine), macalimiinta kooxda iyo masuuliyiin kale.

Wararka

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐮𝐮𝐛𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐌𝐨𝐠𝐚𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮 𝟏𝟏 𝐀𝐩𝐫𝐢𝐥, 𝟐𝟎𝟐𝟑

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐮𝐮𝐛𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐌𝐨𝐠𝐚𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮 𝟏𝟏 𝐀𝐩𝐫𝐢𝐥, 𝟐𝟎𝟐𝟑:- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galayay af-fur wadareed ay lahaayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jaamacadaha dalka Uganda ayaa bogaadiyay isku xirnaantooda. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa tilmaamay inuu dalkeennu u jihaysanyahay dhinaca xisbiyada badan iyo inay israacaan koox walba oo isku taariikh ah, haddii ay isku jaamacado ama isku xaafado ahaayeen taasoo meesha ka saaraysa qaabkii awal la isugu xirnaa oo ahaa nidaamka qabaliga, wuxuuna dhallinyarada Uganda ka soo baxay kula dardaarmay inay hormuud ka noqdaan isku xirnaanta nooocaas ah ee ay haddaba wadaan. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo isaga laftiiisu ka mid ahaa dhallinyarada wax ku soo bartay Uganda, markii danbena ganacsi guulaystay ka hirgeliyay ayaa caddeeyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Uganda yimaada ay kaga duwanaayeen dalalka kale ee bariga Afrika in dalkaas Tacliin uun loo soo doonan jiray markii hore. Dhallinyarada Uganda wax ku soo bartay ee ka soo qayb-galay af-fur wadareedka ayaa ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay taasoo muujinaysa in aqoonyahankii dalka ku soo laabtay ay qayb ka yihiin dib u dhiskiisa.  

Wararka

Waxaa maanta lagu soo gabogabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shirweynaha Cimillada ee dhallinyarada Afrika oo sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hoggaaminayay wafdi balaaran oo dalkeenna ka socday oo ay ka mid ahaayeen qaar ka tirsan wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada qaarkood ayaa qayb ka ahaa intii uu shirku socday. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa shirka ka jeediyay khudbad ka turjumayso dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto ilaalinta kaymaha iyo la dgaaalanka nabaadguurka, wuxuuna wasiirku soo bandhigay qorshe balaaran oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaaliya furay oo la dhaho SOOMAALIYADA CAGAARAN( GREEN SOMALIA). shirkan ayaa hordhac u ah madaxda madaxweynayaasha Afrika ee berri ka furmaya Nairobi, waxaana shirka lala wadaagi doonaa baaqii dhallinyarada Afrika oo Soomaaliya ay wax badan ku darsatay.

Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha JFS Marwo Fahmo Axmed Nuur oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye u fureen tababar la xiriira sida loo sameeyo Cilmi baarista ( research) dhammaan madax qaybeedyada Wasaaradda.

Iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku hawllantahay todobaadyadan sidii loo kobcin lahaa xirfadda shaqo ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo madax qaybeedyada ayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Marwo Fahmo Axmed Nuur oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye u fureen tababar la xiriira sida loo sameeyo Cilmi baarista ( research) wuxuu u furay dhammaan madax qaybeedyada wasaaradda. Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa dhowaan qorshaynaysa inay bilowdo cilmi baaris la xiriirta dhowr mawduuc oo kala duwan sida Maandooriyaha iyo saamaynta xun uu dhallinyarada ku Leenahay, shaqo la’aanta iyo kaalinta ay ku leedahay inay dhalinyaradu qayb ka noqdaan rabshadaha hubaysan ( gun violence) iyo dhowr mawduuc oo kala, waxayna wasaaraddu hadda diyaarinaysaa hawlwadeenadii ka shaqayn lahaa Research-kala kala duwan. Todobaadkii hore ayuu wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud tababar u furay maamulka sare ee Wasaaradda oo ay ku jiraan agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha, waxaana ka soo horeeyay dhowr tababar oo sanadkan gudihiisa hawlwadeenada wasaaradda loogu qabtay xarumo kala duwan oo wasaaradda qorshayntu ku jirto. Tababarkan waxaa bixinayay Dr Maxamed Cabdullaahi Tawakal oo ah khabiir dhanka cilmi baarista oo ka tirsan Akaadiimayadda Afka iyo dhaqanka waaxdeeda cilmi baarista. Qorshaha madaxda wasaaradda ayaa ah in masuuliyiinta wasaaradda ee u adeegaya dhallinyarada Soomaaliyeed la diyaariyo xirfaddooda si ay uga soo dhalaalaan shaqada ay hayaan.

Scroll to Top