Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa shir Gudoomiyay Maalinkii 2aad ee Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir

Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayuu agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa shir guddoomiyay shirka agaasimeyaasha guud iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha ka socda si ay isula meel dhigaan Nuxurka shirku isku raaci doono. Qaybta farsamada ee shirka 2-aad ee wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagaga dooday siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu ay dib u qortay iyadoo la waafijnayo caqabadaha iyo fursadaha haysta dhallinyarada Soomaaliyeed marxaladdan kala guurka ah ee inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay Al-Shabaab. Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu wakhti badan gelisay si ay ula jaan qaaddo marxaladdan cusub ee dalku galay loona waafajiyo tiirarka horumarinta ee siyaasadda Xukuumadda DAN-QARAN ayaa iftiiminaysa baahiyaha xilligan iyo kuwa mustaqbalka ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Gelinka danbe ee maanta ayaa la filayaa inay shirka ku soo biiraan wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay hehsiis is af-garad ugu baddelaan waxyaabaha ay isku raaceen kooxaha farsamada ee shirka uu maanta hoggaaminayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye.

Wararka

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐑𝐢𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐑𝐢𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝. 𝐌𝐨𝐠𝐚𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮, 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟑. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa hay’adda Maxalliga ah ee IRise Cabdixakiim Sheekh Yuusuf Caynte ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo wasaaradda iyo IRise u saamaxaya inay iska kaashadaan tababarka iyo xirfad siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed si loogu sahlo la qabsiga suuqa shaqada. Kulanka lagu heshiiyay wada shaqaynta waxaa kale oo dhanka wasaaradda ka qayb-gashay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha (TVET) Ramla Cismaan Shariif iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan. Wasaaradda iyo Hay’adda IRise ayaa iska kaashanaya tababar siinta kumanaan dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaa-gaaban oo ay ku shaqaystaan si loo yareeyo shaqo la’aanta baahdan ee Dhallinyarada haysata. Hay’adda IRISE ayaa horay u tababartay kumanaan dhallinyaro ah oo isugu jira kuwo duruufaha dalka ka jira ay u ogolaan waayeen inay dhamaystaan waxbarashada nidaamiga ah iyo kuwo xiiseeya farsamada gacanta iyo xirfadaha gaa-gaaban.

Wararka

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲. 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟑. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay. Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa la kulmay Gudiga fulinta jaamacadaha dalka

Kulanka Gudiga fulinta jaamacadaha dalka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaraaha oo ka shiray sidii loo qaban lahaa tartanka koobka kubadda cagta ee jaamacadaha dalka bisha ramadaan ee nagu soo aadan. Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay xarunta wasaaradda waxaana kasoo qayb galay Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare mudane Dr. Ismaciil

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda. Tababarkan oo socoday muddo sadex (3) maalin ah ayaa diiradda lagu saarey qorsheynta, Kormeerka & Qiimeynta mashaariicda horumarineed iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee dalka (2020-2024). Agaasimaha guud waxaa kala qayb-galay Xiritaanka tababarka saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ka taageeray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS tababarkan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta tababarkan faa’iidada badan u leh hawlwadeenada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isagoo kula dardaarmay xubnaha ka faa’iidaystay inay ku dabaqaan shaqadooda xirfadaha ah kororsadeen    

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Tartankan waxaa ka qayb-gelaya 17 degmo oo gobolka Banaadir ah, sadex deegaan iyo degmada Balcad. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa furitaanka tartankan oo muhiimad gooni ah iyo xamaasad dheeraad ah wata. Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.

Scroll to Top