Wararka

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲. 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟑. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay. Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa la kulmay Gudiga fulinta jaamacadaha dalka

Kulanka Gudiga fulinta jaamacadaha dalka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaraaha oo ka shiray sidii loo qaban lahaa tartanka koobka kubadda cagta ee jaamacadaha dalka bisha ramadaan ee nagu soo aadan. Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay xarunta wasaaradda waxaana kasoo qayb galay Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare mudane Dr. Ismaciil

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda. Tababarkan oo socoday muddo sadex (3) maalin ah ayaa diiradda lagu saarey qorsheynta, Kormeerka & Qiimeynta mashaariicda horumarineed iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee dalka (2020-2024). Agaasimaha guud waxaa kala qayb-galay Xiritaanka tababarka saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ka taageeray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS tababarkan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta tababarkan faa’iidada badan u leh hawlwadeenada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isagoo kula dardaarmay xubnaha ka faa’iidaystay inay ku dabaqaan shaqadooda xirfadaha ah kororsadeen    

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Tartankan waxaa ka qayb-gelaya 17 degmo oo gobolka Banaadir ah, sadex deegaan iyo degmada Balcad. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa furitaanka tartankan oo muhiimad gooni ah iyo xamaasad dheeraad ah wata. Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan la yeeshay dhiggiisa Serbia mudane Zoran Gajić, xoghayaha gobolka Marko Kešelj iyo kaaliyaha wasiirka iskaashiga Caalamiga ah Uroš Pribićević. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga la socday oo uu weheliyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Serbia ee Belgrade Amb Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kala hadlay dowladda Serbia iskaashi buuxa oo labada dhinac dhex mara gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Ciyaaraha iyo xirfadaha dhalinyarada. Wasiirka Ciyaaraha Serbi Zoran Gajić ayaa ballan qaaday inay dowladdiisu wixii khibrad iyo taageero ah ay la wadaagi doonaan Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha. Xiriirka labada dal ayaa kor u socday sanadihii la soo dhaafay iyadoo dowladda Serbia ay dalkeenna siiyeen deeqo waxbarasho oo kuliyado kala duwan leh iyo tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee xafiisyada dowladda

Wararka

Wasiirka Wasaaradda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka. Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban 22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo firka dowladaha carbeed, waxaa sidoo kale laga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka, dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan. Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faa’iidaysto awooddooda. Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Scroll to Top