Wararka

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan doceed( Sideline Meeting) layeeshay Dhigiisa Wadamada Afrika ee ka soo qeybgalay hirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Qaaradda Afrika

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed( Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid. Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saarnay Iskaashi dhex-mara Labada wasaaradood gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha iyo xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed. Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan si loo diiwaangeliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidi dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyaradu Soomaaliyeed, waxaana wasaaradda sanadkan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kaga qayb-galay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko shir looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kaga qayb-galay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko shir looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika iyo qiimayn lagu samaynayay waxyaabihii ka hirgalay cahdihii dhallinyarada Afrika ee 2006. Wasiir Mohamed Bare Mohamud oo khudbad ka jeediyay shirweynaha ayaa la wadaagay caqabadah iyo fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo si gooni ah u dul-ustaagay hawlgalka dib u xoraynta dalka ee meesha wanaagsan maraya iyo fursadah is-dhexgalka iyo nabadaynta leh ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay heli doonaan marka uu dhamaado hawlgalka dalka lagu xorayn. Shirkan waxaa martigelisay wasaaradda dhallinyarada ee Marooko waxaana abaabulka kala qaybgalay dallada dhallinyarada Afrika.

Wararka

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ka qeyb-gashay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ka qeyb-gashay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga iyo Kuwa Arrimaha Bulshada ayaa u gudoontay Wasaaradda Abaal marinta ka shaqeynta Amniga iyo Ladagaalanka Argigisada caasimada Maadaaama ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin Udub dhexaadka Guud ahaan Howlaha Amniga kasocda Soomaaliya kaasoo dib loogu xureynayo Wadanka. Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ku ammaantay Guud ahaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa ayna xustay in amniga caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta Dhallinyarada iyo Dowladda.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa soo gabo-gabeeyay kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lala yeelanayay dhallinyarada dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa soo gabo-gabeeyay kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lala yeelanayay dhallinyarada dowlad goboleedka Jubbaland. Intii ay socdeen doodaha la xiriira ra’yiga dhallinyarada Jubbaland ee siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa iyaguna goob-joog ahaa masuuliyiinta ka kala socday labada gole ee Jubbaland iyo hormuudka dhallinyarada Jubbaland. kulamada noocan ah oo horay uga soo dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle kana dhici doona dowlad goboleedyada dhimman ayaa qorshuhu yahay in ay dhallinyaradu ka tala bixiyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasiirkeeda Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud sida ay xil isaga saarayso in la maqlo aragtida dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed intaan golaha wasiirrada la horgayn si ay ansixiyaan. Axmed Nuur Xiirey oo ah agaasimaha waaxda Qorshaynta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo ku matalayay wasaaradda shirka wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa kulanka ka sheegay in ujeedada wasaaraddu tahay in ra’yiga dhallinyarada Soomaaliyeed la dhegaysto intaan la ansixin siyaasadda qaran maadaama ay tahay mid iyaga lagu dhaqi doono.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed qaybta Galmudug, iyadoo horay wadatashiyo noocan ah loola soo sameeyay Dhallinyarada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle. Agaasimaha waaxda sharciyada Wasaaradda Xasan Sh. Cabdi Abuubaka( Codey) oo Dhallinyarada Galmudug kala qayb-galay Shirweynaha ansixinta iyo wadatashiga siyaasadda Qaran ayaa sharaxaad ka siiyay meelaha ay xoogga saarayso siyaasaddu afarta sano ee soo socota. Hormuudka dhallinyarada Galmudug oo ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel iyo degmooyin kale ayaa ka soo qayb-galay shirka wadatashiga ee dhallinyarada Galmudug ay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ugu qabatay Gaalkacyo. Dhowaan ayaa la filayaa in golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo wasaaraddu ku tallo jirta in dhammaan dowlad goboleedyada iyo dhallinyarada qurbaha ra’yigooda la maqlo intaan golaha la hor gayn.

Wararka

Kulanka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho

Kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir xilli lagu wado inuu maalinta bari ah sidoo kale ka dhaco xarumaha Maamul Goboleedyada Dalka. Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada oo lagu wado in dhawaan la hor geeyo Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay u ansaxiyaan ayeey wasaaradu ugu tala gashay kulankaan maantay iyo kulamada kale ee Maamul Goboleedyada inay ka tala baxsadaan dhalinyarada si ay u noqoto siyaasad Qaran oo ay u dhan yihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo daah furay kulanka ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin , Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir, Agaasimaha Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Madaxweynaha , Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Marti sharaf kale iyo qaar ka mid ah Dhallinyarada hormuudka u ah Caasimada kuwaas oo falanqaynayay Qodobada Siyaasada Qaran ee Dhalinyarada . Ujeedka ugu weyn ayaa ah in la helo siyaasad Qaran oo ay leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Scroll to Top