Wararka

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda. Tababarkan oo socoday muddo sadex (3) maalin ah ayaa diiradda lagu saarey qorsheynta, Kormeerka & Qiimeynta mashaariicda horumarineed iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee dalka (2020-2024). Agaasimaha guud waxaa kala qayb-galay Xiritaanka tababarka saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ka taageeray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS tababarkan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta tababarkan faa’iidada badan u leh hawlwadeenada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isagoo kula dardaarmay xubnaha ka faa’iidaystay inay ku dabaqaan shaqadooda xirfadaha ah kororsadeen    

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Tartankan waxaa ka qayb-gelaya 17 degmo oo gobolka Banaadir ah, sadex deegaan iyo degmada Balcad. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa furitaanka tartankan oo muhiimad gooni ah iyo xamaasad dheeraad ah wata. Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan la yeeshay dhiggiisa Serbia mudane Zoran Gajić, xoghayaha gobolka Marko Kešelj iyo kaaliyaha wasiirka iskaashiga Caalamiga ah Uroš Pribićević. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga la socday oo uu weheliyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Serbia ee Belgrade Amb Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kala hadlay dowladda Serbia iskaashi buuxa oo labada dhinac dhex mara gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Ciyaaraha iyo xirfadaha dhalinyarada. Wasiirka Ciyaaraha Serbi Zoran Gajić ayaa ballan qaaday inay dowladdiisu wixii khibrad iyo taageero ah ay la wadaagi doonaan Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha. Xiriirka labada dal ayaa kor u socday sanadihii la soo dhaafay iyadoo dowladda Serbia ay dalkeenna siiyeen deeqo waxbarasho oo kuliyado kala duwan leh iyo tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee xafiisyada dowladda

Wararka

Wasiirka Wasaaradda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka. Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban 22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo firka dowladaha carbeed, waxaa sidoo kale laga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka, dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan. Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faa’iidaysto awooddooda. Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha ururrada

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha ururrada dhallinyarada ee ka diiwaangashan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS . Wasiirka ayaa hormuudka ururrada dhallinyarada la wadaagay qorshaha wasaaradda ee sanadkan iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna uga sheekeeyay gudbinta siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo dhowaan ay wasaaraddu qaban doonto iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa hay’adaha caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobay ku jiraan dhowaan kala hadlay sidii mashaariicda magaca dhallinyarada lagu fuliyo ay wasaaraddu u hubin lahayd inay gaadheen dadkii loogu tallo galay iyo in mashaariicda dhallinyarada iyo qorshaha horumarinta qaranka la is waafajiyo.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirkaan oo uu daah furay Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa gogol xaar u ah shirka madaxda Afrika ee lagaga tashan doono dhibaatada isbeddelka Cimillada oo Afrika saamayn togan ku leh waxaana goob joog ka ahaa madax ka kala socotay dowladaha Afrika iyo hay’ado caalami ah. Wasiir Maxamed Barre oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay furitaanka shirkaan ayaa ka hadlay Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaba doorka ay ku leeyihiin la dagaalanka isbadalka cimilada . Shirkaan Cimilada Dhallinyarada Afrika ayaa wajigiisa koowaad waxa uu socon doona mudo sadex maalmood ah waxaana xoogiisa diirada lagu saari doonaa habka ay dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka isbadalka cimilada oo saamayn ba’an ku haysa dunida oo dhan halka wajigiisa labaadna uu bilaaban doono 4ta September

Scroll to Top