Wararka

Wararka

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2023 oo maalintiisa labaad ka soconaayo Magaalada Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad ka soconaayo Magaalada Muqdisho Waxaa fursad gaar ah la siiyey Dhallinyarada Baahiyaha gaarka qabo, waxaana loo qabtay Dood u gaar ah, waxaana su’aalo weediiyey dadka ka soo qeybgalay Shirweynaha, Maalintii labaad waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaayo Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanadkaan 2023 ay ka qeybgalayaan in ka badan 500 oo dhalinyaro oo ka yimid gudaha iyo dibadda, waxaana shalay si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wararka

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho – May 20, 2023)……Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo saddax maalmood ah ka socondoono 20-21-20 May 2023, waxaana ka qeybgalaya in kabadan 500 oo dhalinyaro oo kakala yimid Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Wadanka Dibadiisa. Shirweynaha inta uu socodo waxaa lagu soo bandhigayaa daraasado laga diyaariyey Dhalinyarada, Muuqaalo ka hadlaya Waxqabadka Wasaaradda, Muhiimadda loo qabtay Shirweynaha iyo khdubado ay jeedindoonaan madaxda Dalka. Ra”isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay…… “ Waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda Soomaaliyeed ay dowladda Kala qayb qaataan sidii looga gudbi lahaa nidaamka afar dhibic Shan (4.5) kaas oo caqabad ku ah horumarka iyo dowladnimada dalka”….. Wasiirka Dhalliyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo sidoo kale ka hadlay Daahfurka Shirka ayaa Sheegay in Wasaaradda ay xil gaar ah iska saartay qabsoomidda Shirkaan…..“ Wasaarada Dhallinyaradda Cayaaraha waxa ay u Mahad celinaysaa dhallinyaradda Soomaliyeed ee aqoontooda iyo xirfadoodaba uga qeyb qaatay diyaarinta Siyaasadda qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya”….ayuu yiri Wasiir Barre. Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed Sanadkaan 2023 waxaa hal ku-dhig u ah “Dhalinyaro heshiish ah, Hishiishna ku ah danta Qaranka iyo dib-u-dhiska Dalka”

Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay qaban qaabadiisa wado, hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabadda xuska 80 guuradii aasaaskii SYL oo ay qabatay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayna ka soo qaybgaleen in ka badan 1000 dhallinyaro ah iyo masuuliyiinta labada gole ee dowladda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa dhallinyarada uga jawaabay su’aalo la xiriiray fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha jira, waxaana dhallinyaradaas ka mid ahaa kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo iyagana ay wasaaraddu ku marti qaaday munaasabadda. Madaxweynaha ayaa balanqaaday in dowladdiisu ay muhiimad gooni ah siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin halganka dib u xoraynta dalka. Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa furmi doona 20 bishan wuxuuna socon doonaa sadex maalmood, waxaana lagaga doodi doonaa qadiyadaha muhiimka ah ee horyaala dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa si joogta ah uga shaqaynaysa siduu shirkaasi u noqon lahaa mid guulaysta.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan doceed( Sideline Meeting) layeeshay Dhigiisa Wadamada Afrika ee ka soo qeybgalay hirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Qaaradda Afrika

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed( Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid. Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saarnay Iskaashi dhex-mara Labada wasaaradood gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha iyo xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed. Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan si loo diiwaangeliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidi dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyaradu Soomaaliyeed, waxaana wasaaradda sanadkan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kaga qayb-galay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko shir looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kaga qayb-galay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko shir looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika iyo qiimayn lagu samaynayay waxyaabihii ka hirgalay cahdihii dhallinyarada Afrika ee 2006. Wasiir Mohamed Bare Mohamud oo khudbad ka jeediyay shirweynaha ayaa la wadaagay caqabadah iyo fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo si gooni ah u dul-ustaagay hawlgalka dib u xoraynta dalka ee meesha wanaagsan maraya iyo fursadah is-dhexgalka iyo nabadaynta leh ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay heli doonaan marka uu dhamaado hawlgalka dalka lagu xorayn. Shirkan waxaa martigelisay wasaaradda dhallinyarada ee Marooko waxaana abaabulka kala qaybgalay dallada dhallinyarada Afrika.

Wararka

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ka qeyb-gashay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ka qeyb-gashay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga iyo Kuwa Arrimaha Bulshada ayaa u gudoontay Wasaaradda Abaal marinta ka shaqeynta Amniga iyo Ladagaalanka Argigisada caasimada Maadaaama ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin Udub dhexaadka Guud ahaan Howlaha Amniga kasocda Soomaaliya kaasoo dib loogu xureynayo Wadanka. Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ku ammaantay Guud ahaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa ayna xustay in amniga caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta Dhallinyarada iyo Dowladda.

Scroll to Top