Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Elgunei.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Elgunei. Kulanka Wasiirka iyo wakiilka Jaamacadda Carabta waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ka mid ah la-taliyayaasha Wasiirka, waxaana looga hadlay sidii mashaariicda horumarinta dhallinyarada la xiriira een awal dalkeenna laga fulin jirin looga faa’iidayn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka wasaaradda mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhowaan ka soo laabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu ka dhacay shirkii wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Carabta waxaana Kulankan lagu soo qaaday dabagalka mashaariicda horumarinta dhallinyarada iyo garoomada la xiriira ee shirkaas ka soo baxay.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa daah furay tababar ay qaadanayaan Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa daah furay tababar ay qaadanayaan maamulka sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo isugu jira agaasimeyaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha wasaaradda kaasoo lagu baranayay kobcinta xirfadda maamulka iyo maaraynta. Tababarkan oo uu bixinayay Ustaad Mascuud Weheliye oo ka tirsan xarunta Hagaag Academy oo ah xarun Tababarta shaqaalaha dowladda iyo hay’addaha gaarka loo leeyahay ayaa lagu qaatay aqoon mugweyn oo la xiriirta hoggaaminta iyo isku wadka koox shaqo, horumarinta shaqada iyo shaqaalaha iyo qaabka ugu wanaagsan ee dadweynaha loogu adeego iyadoo laga faa’iidaysanayo xirfadda shaqaale loo Tababaray. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo hadal ka jeediyay soo xiridda Tababarkan ayaa muujiyay in casharro caaqibo leh ay barteen agaasimeyaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha wasaaradda wuxuuna kula dardaarmay in xafiisyadooda shaqada ay ku dabaqaan aqoonta ay ka qaateen Tababarkan. Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha oo kaashanaysa wasaaraddo kala duwan iyo hay’addo maxali iyo caalami isugu jira ayaa bilowday Tababar la siinayo maamulka sare ee Wasaaradda iyo hawlwadeenada wasaaradda si loo hagaajiyo khidmadda loo qabanayo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

Wararka

Agaasimaha Waaxda Sharciyadda iyo Uqareemidda Dhalinyarada Wasaaradda Dhalinyarada Cayaaraha Hassan Sheikh Abdi Hassan Codeey ayaa Daahfuray Barnaamij loogu tala galay in Dhalinyaradda shaqo Abuur loogu sameeyo

Agaasimaha Waaxda Sharciyadda iyo Uqareemidda Dhalinyarada wasaaradda dhalinyarada sportska Hassan Sheikh Abdi Hassan Codeey ayaa Daahfuray Barnaamij loogu tala galay in Dhalinyaradda shaqo Abuur loogu sameeyo. Barnaamijkaan oo Meelo badan Oo dalka kamid ah loogu tala galay in lagu hirgaliyo ayaa Qayb kamid ah magaalada Mogadishu lagu daah furay, Waxaan ka faaideysanysa Dhalinyaro gaarayso 75 dhalinyaro oo isugu jira Gabdho iyo wiilal. Wasaaradda dhalinyarada ayaa ku howlan Sida wax looga qaban lahaa Fursad shaqo Yarida kajirta Dalka guud ahaan isla markaaana loogu abuuri lahaa Xirfado ay ku shaqeystaaan dhalinyarada kunool Magalada caasimada iyo guud ahaan Dalka

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shir doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo ah xilligan madaxa golaha wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Jaamacadda Carabta. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Masar Dr Ashraf Subxi ayaa ka wada hadlay iskaashi dhex mara labada wasaaraddood ee dhinacyada kobcinta iyo tababarrada dhallinyarada iyo horumarinta garoomada cayaaraha, iyadoo dowladda Masar ay ka tageerayso wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya tababaridda dhallinyaro la barayo xirfado kala duwan iyo koorsooyin gaa-gaaban. Kulanka labada wasiir waxaa ka qaybgelay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ka tirsan. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.  

Wararka

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 ( 𝗗𝗮𝗿𝗼𝗼𝗴𝗮𝗱𝗮).

𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟳 𝗠𝗮𝗮𝗿𝘀𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯:-Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa meel gabo-gabo ah marinaysa siyaasadda qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha (Daroogada ) oo faro Kulul ku haya Dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo wasaaraddu howshan kala shaqaynaysa Ababsy Consultanting limited oo ah hay’ad ay ku midaysanyihiin sharci yaqaanno dowladaha geeska kala shaqeeya horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda cusub. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo masuuliyiinta hay’adda Ababsy Consultanting limited oo xafiiska agaasimaha guud ku kulmay ayaa isla gartay dardargellinta Siyaasadda Qaran ee ka hortagga Maandooriyaha oo wasaaradda muhiimad gooni ah u leh, maadaama ay tahay Siyaasad lagu badbaadin mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda ayaa si wada jir ah u xafiiskiisa ugu booqday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyagoo xog waran ka siiyay heerka gabogabada ah ee ay marayso Siyaasadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka Maandooriyaha. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in cadowga labaad ee dhallinyarada Soomaaliyeed wajahayso uu yahay Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan isagoo sheegay inay muhiimadda labaad u tahay wasaaraddiisa marka laga soo tago halganka dib u xoraynta iyo xasilinta dalka. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa muhiimad gooni ah siiyay Siyaasadda la dgaaalanka Maandooriyaha isagoo ku daray balanqaadkii uu Raisul Wasaaraha Xukuumadda DAN-QARAN Mudane Xamse Cabdi Barre la gallay bishii December ee sanadkii hore inuu sanadkan 2023 dhexdiisa dhamaystirayaan Siyaasadda Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray wiilkeenna Cali Iidow Xasan

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray wiilkeenna Cali Iidow Xasan oo kaalinta labaad ka galay tartanka oroddada( 6th Edition of the international meeting of Djibouti) oo ah tartan 1500M. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa mar sii horaysay Orodyahan Cali Iidow iyo koox kale oo dhallinyaro ah ku booqday goobaha ay tababarka ku qaataan, isagoo ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan inay dalkooda guul u keenaan. Wasiir Maxamed Barre ayaa markii lagu soo daray golaha wasiirrada ee Xukuumadda Dan-Qaran bilaabay qorsheyaal lagu hormarinayo ciyaaraha Maaratoonka oo ay Soomaaliya taariikh ku leedahay. Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartankii Olompicada adduunka ayaa caawa ku tartamay oradka 1500 meter.

Scroll to Top